Mareykanka oo dowladda Puntland ku bogaadiyay Guushka Dagaalka Daacish

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Boosaaso: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda.

Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kiiska MV LUTUF ma wuxuu albaab u furay faragelinta quwadaha shisheeye ee arrimaha Soomaaliya?

Wasaaradda Amniga Puntland ayaa 21-kii Agoosto cambaareysay weerarrada…..

  • Puntland

    30-08-2026

  • 05:37AM

Deni oo Ka Digay Qorshe Shisheeye oo Looga Faa’iidaysanayo Burcad-badeedda Soomaaliya

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo burcad-badeedda.

  • Puntland

    28-08-2026

  • 07:06PM