Mareykanka oo Daacishta Soomaaliya duqeyn uga dilay sarkaal

Image

GAROWE, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in Sabtidii ay duqeyn ka geysteen buuraleyda Golis, gobolka Bari ee Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in ay weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dileen xubin ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya.

"Illaa iyo haatan ma hubno waxyeelo soo gaarey rayid, haddey soo baxaana waan baareynaa," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, shaqsiga la beegsaday ayaa wuxuu ahaa isku duwe, wallow aanan baahin magaciisa iyo muuqaalkiisa.

Baahintan ayaa waxay imaaneysa iyadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgalkaasi lagu naf-gooyey dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Kooxahan argagixisadda ah ayaa waxay ku kala sugan yihiin qaybo kamid ah degaanada gobolka Bari, halkaasi oo xiliyadda qaar uu dagaal ku dhex-maro.

Horaantii sanadkan 2019 ayey ahayd markii ay dagaalameen, iyaga oo iska dilay tobanaan maleyshiyaad, iskana burburiyey fariisimo iyo saanado hub ciidan.

Duqeynta lala beegsaday Daacishta Buuraleyda Puntland ku dhuumaaleysaneysa ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dhowaan hogaamiyahooda uu muuqaal kasoo muuqday.

Cabdiqaadir Muumin oo shaki la gelinayo xaaladiisa caafimaad kaasoo kooxdan aas-aasay sanadkii 2015-kii ayaa wuxuu horey uga soo goostay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM