Mareykanka oo fahfaahiyey sababta uu duqeynta ugu dilay Dhoqob

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradihiisa ay qaadeen duqeyntii lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

Weerarka cirka ah oo duhurnimadii Axada ka dhacay tuulada Xiriiro ee gobolka Bari ayaa lagu beegsaday gaari uu watay Cabdixakiim Dhoqob.

"Howlgalka waxaan isku kaashanay dowlada federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.

Sidda ay sheegeen goobjoogayaal, gaariga waxaa Dhoqob ku wehliyay ruux kale oo dhintay balse AFRICOM ma aysan soo hadal-qaadin.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Dhoqob ayaa mas'uul ka ahaa weerarada ay kooxdu fuliso iyo kheyraad soo iibinta sida hubka.

Gregg Olson, agaasimaha howlgalada ee AFRICOM, oo wacad ku maray in ay sii wadayaan duqeymaha ayaa shaaciyay xeelada ka dambeysay.

"Marka ay timaado istaraatiijiyada, duqeymaha waa habka kaliya ee lagu beegsan karo kuwa qorsheeya weerarada," ayuu Olson yiri, sida ku cad bayaanka.

Dhoqob oo Al-Shabaab kasoo goostay 2015-kii ayaa ahaa gacanta midig ee hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin.

“Illaa iyo hadda Dhoqob oo kaliya ayaa duqeynta lagu dilay … mana jirto waxyeelo soo gaaray rayid," ayey AFRICOM ku adkeysatay.

Dilka hogaamiye ku xigeenkii Daacish garabka dalka Geeska Afrika ayaa la sheegay in ay dharbaaxo ku noqoneyso dhaqdhaqaayada ururkaasi.

Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka Amniga Puntland, ayaa xusay in ay tani dhabaha u xaareyso in lasoo afjaro waayihii kooxdaasi.

"Dilka mid kamid ah hogaamiyeyaashooda waxay dardargelinaysaa ciribtirkooda," ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Howlgalkaan ayaa noqonaya midkii 3aad ee uu Mareykanka ku beegsado Daacishta Puntland ku dhuumaalaysaneysa. Bishii November 2017-kii ayuu qaaday duqeymihii ugu horeeyay oo uu ka badbaaday Muumin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM