Mareykanka oo shaaciyey khasaaraha duqeyn uu ka fuliyey Puntland

Image

BOOSAASO, Bari – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa ka warbixiyey duqeymo ay diyaaradahooda Jimcadii, 25-ka October 2019, ka fuliyeen gobolka Bari.

Weerarka dhanka cirka ah ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay buurahala Golis gobolkaas hoostaga dowladda Puntland.

Dadka degaanka ayaa Garowe Online u sheegay in halka la bartilmaameedsaday ay fariisimo kuwada leeyihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka AFRICOM, saddex kamid ah maleyshiyaadka Daacishta Soomaaliya ayaa lagu khaarijiyey howlgalka.

Xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in degaanada Buuraleyda ay argagixisadu ku qariso xoogagooda ayna ku qaataan tababaro daahsoon.

"Illaa iyo haatan ma hayno wax khasaaro ah oo shacab kasoo gaarey duqeynta," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay GO.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee uu tababaro Mareykanka ayaa ka qeyb-qaatay howlgalka, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa soo if-baxday sanadkii 2015-kii, badi xubnaheeduna waxay kasoo goosteen ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM