Mareykanka oo xubno Daacish ah ku dilay duqeyn uu ka fuliyey Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu shaaciyey in duqeyn uu ka fuliyey buuraleyda Golis ee gobolka Bari uu ku dilay 13 ka tirsanaa maleyshiyaadka Daacishta Soomaaliya.

Sidda ay warsidaha Garowe Oniline u sheegeen illo wareedyo degaanka ah, duqeynta ayaa xili hore Arbacadii ah waxa ay ka dhacday degaanka Cameeyra oo hoosta degmada Isku Shuban ee Puntland.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka AFRICOM, ma jirto waxyeelo rayid kasoo gaarey howlgalkaasi. "Balse, waxaanu ogolnahay in aan baarno, hadii ay yimaadaan macluumaad la xiriira," ayaa lagu yiri bayaanka.

Heidi Berg, agaasimaha sirdoonka howlgalka Mareykanka ee Afrika ayaa tilmaamay in xogo mukhaadaraad oo ay heleen ay u suurtogeliso beegsiga ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

"Xogaha sirdoonka waxa ay noo suurtogeliyaan in aan beegsano goobaha ay argagixisadu ku qariso hubka, ku sameyso qaraxyada, ku tababartaan kuna abaabulaan ficiladooda wuxushnimada ah," ayuu raaciyey.

Bishii hore ayay ahayd markii weerar dhanka cirka ah oo uu Mareykanka fuliyey isla gobolka Bari uu ku khaarijiyey hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Somaaliya oo shaqsi kale oo gaari la duqeeyay la saarnaa.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo xagjirnimo ah ka wada waqoyga Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bari xili Mareykanka u muuqdo mid laba jibaaray gulufkiisa ka dhanka ah kooxahaasi.

In ka badan 30 howlgal oo dhanka cirka ah ayuu Mareykanka sanadkaan kaliya ka fuliyey Soomaaliya, inkasta oo tirada ugu badan uu ku laayey xubno ka tirsanaa kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida,

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM