Markab sida shidaal oo ku xirtey dekada magaalada Boosaaso

Image
Wararka ayaa intaas ku daraya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company.

GAROWE, Puntland – Markab shidaal sida ayaa xalay ku xirtey dekada magaalada Boosaaso xilli qiimaha saliida degaanada Puntland uu sarre u kacay, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo ganacsatadda xarunta gobolka Bari.

Markabka oo maalmihii lasoo dhaafay taagnaa xeebaha Puntland ayaa habeenkii Jumcaha kusoo xirtay dekedda weyn ee Boosaaso, iyadoo halkaas ay buux dhaafiyeen booyadaha shidaalka sida ay muujiyeen sawirro uu baahiyay talefashinta dowladda Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company, waxaana shidaalka iska leh ganacsato reer Puntland ah oo soo rartay.

“Waa laga baxay hubanti la’aantii shidaal waxaa dekada Boosaso ku soo xirtay markab sida shidaal farabadan," ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadda magaalada oo saxaafada la hadlay.

Sawirro laga soo qaaday dekedda Boosaaso ayaa lagu arkayaa gaadiidka shidaalka oo isaga kala gooshaya halkaasi, waxayna bilaabeen in magaalooyinka kale u daabulaan shidaalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in arrintan ay wax ka bedasho shidaal yarida ka taagan deegaanada Puntland, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo meeshii ugu sarreysay gaaray.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Puntland laga soo wariyay shidaal yaradii uga darneed taas oo cabasho xooggan ka keeneen bulshada qaybaheeda kale duwan.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay aheyd mid mashquul ah, waxaana ka dhoofayey xoolo loo iibgeynayay wadamada Carabta. Shidaal yarada ka jirta caalamka ayaa loo tiiriyay dagaalka ka socda Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM