Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo Aas Qaran loogu sameeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeenaya bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliya geerida AHUN Gen Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kadib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland isagoo soo noqday Wasiirka Amniga. Xiligan wuxuu ahaa La taliye Madaxweyne iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM