Mas'uuliyiin tagtay meelaha laga qaaday ciidamada Galkacyo

Image
Image

05 December, 2015(GO)-Waxaa goor gaaban qalabta booqday goobaha laga qaaday ciidamada is horfadhiya ee ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, wufuud ka tirsan Federalka, Juballanada iyo labada maamul ee hishiiyay.

Booqadashada ayaa u jeedkeedu ahaa in la hubiyo qaabka loo fuliyay howlihii loo xilsaaray guddiga kala qaadista ciidamada.

Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, Axmed Madoobe, Cabdiwali Cali Gaas, Cabdikariim iyo mas'uuliyiin kale, ayaa tagay goobta oo ah Kantroolka Koonfureed ee Galkacyo, waxaana guddigu sheegey in la qaaday dhammaan ciidamadii la faray in goobta laga banneeyo, iyagoo xusay inay jiraan kuwa wali harsan.

Madaxda ayaa sheegtay in wixii haray la dhammaystiri doono barri 06 Dec, 2015, isla markaan goobahaasi lagu arki karin ciidan ka tirsan labada maamul.

Barri ayaa la qorshaynayaa in dhammaan wufuudu tagaan, wixii dhimanna ka wada hadlaan labada hogaamiye Puntland iyo Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana muuqata jawi nabadeed iyo kalsooni laga qabo inuu rumoobo hishiiska lagu gaaray garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM