Masar oo ka taageeraysa Puntland tayaynta garsoorka iyo amaanka

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa galabta magaalada Nairobi ee dalkaasi kulan kula qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Nasar.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin adkaynta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Puntland iyo dalka Masar ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka iyo Tayaynta Hay'addaha Amniga Puntland.

Maxamed oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay kulanka Madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa xaqiijiyey inay dhankooda diyaar u yihiin adkaynta, dardargelinta iyo ka dhabaynta wadashaynta muhiim ka ah ee ka dhexaysa Puntland iyo dalkiisa.

Dajiraha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo dalka Masar lahayeen, haddana leeyihiin xidhiidh wada-shaqayneed oo ay bud-dhig u yihiin ganacsiga iyo waxbarashada.

Deni oo ka duulaya, kana dhabaynaya balanqaadyadiisii xiligii doorashada ee ahaa sugidda Amniga, horumarinta dhaqaalaha, maalgashida iyo sare u qaadidda aqoonta iyo caafimaadka bulshada Puntland ayaa kulankani muhiim ka ah xoogga ku saaray arrimaha kor ku xusan, kuwaasi oo muhiim u ah dhan-walba shacabka Puntland iyo dowladdoodaba.

Ugu dambayn, Madaxweyne Deni ayaa xusay in safiirka dalka Masar ay ka wada-hadleen, sidii gacan buuxda Puntland uga siinlahaayeen, tayaynta garsoorka Puntland iyo tababarka hay'addaha amniga, maadaama siyaasadda koowaad iyo labaadba ee dowladdu tahay arrimaha Amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM