​Mashaariic Puntland laga wareejiyay

Image

Xildhibaan Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Barlamanka Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic dhawr ah oo ay Puntland leedahay loo wareejiyay dhinac maamulka Galmudug.

Cabdibarre, ayaa ku sheegay mashaariicda la wareejiyay inay yihiin kuwa kasocda gobolka Mudug gaar ahaan kuwa lagu dhisayo wadada Wadaagsin iyo dekedda deegaanka Garacad, wuxuuna tilmaamay in loo wareejiyay degmada Hobyo ee Galmudug.

Arrintan ayuu sheegay inay ka shaqeeyeen madaxweynaha Galmudug oo kaalin ka helay xukuumadda Federalka Soomaaliya gaar ahaan Ra'isal wasaare ku-xigeenka dowladda Maxamed Cumar Carte.

Xildhibaanku wuxuu intaasi raaciyay in beesha caalamka ee deeqda bixisay ay saxiixeen in mashaariicdan oo gabo gabo maraysay loo weeciyo dhinaca Galmudug.

Wuxuu tilmaamay in arrintan soo shaac baxday labadii Todobaad ee ugu dambaysa iyadoo xukuumada Puntland ka war heshay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Xildhibaanka oo la hadlay Radio Daljir, ayaa xusay inay tahay wax laga xumaado tallaabada lagu leexinayo mashaariicda socda isagoo qadiyad xun ku tilmaamay kala jeclaysiga dalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Puntland, kaasi oo ku aadan mashaariicday la sheegay in la leexsaday, balse waxay kusoo beegantahay xilli maamulka Galmudug uu wado mashruuc uu ku ballaarinayo dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM