Mashruuc lagu dhisayo jidka xiriiriya Garowe iyo Galkacayo oo la furey

Image
Image
Image
Image
Image

March 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furey mashruuc lagu dayactirayo jidka isku xira magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo.

Mashaaruucan oo lacag dhan 21 milyan ku bixi doonto, waxaa 18 kamid ah ku deeqay Midowga Yurub halka saddexda kalena ay Dowladda Germany bixisey waxaana dhaqaalahaas lasoo marsiinayaa Hay'adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Germany GIZ.

Munaasbad lagu daah furayey mashruucan waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne Gaas, Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d'urso  iyo safiirka Dowladda Germany u jooga Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Xafladda waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiirro, xildhibaanno, isimmo, aqoonyahan, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale oo laga casumey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Gaas oo munaasabadda si kooban uga hadlay ayaa sheegay in mashrucani yahay mid waxtar u leh bulshada Puntland kaasoo hirgelintiisa muddo dheer lagu taamayey balse dhaqaale ku filan loo la'aa.

Michele Cervone ayaa isna sheegay in Midowga Yurub ay ka go'an tahay inuu sii dardar geliyo taageerada uu siiyo Puntland, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in barnaamijkani sida loogu talo galay u fuli doono.

Mashruuca maanta la daah furay ayaa lagu dayactiri doonaa meelaha waddadu ka burbursan tahay ee ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM