Mas'uul isku day dil kaga badbaadey magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo Axadda maanta ah ka dhacay waqoyga Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu rakibay mas'uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyada Puntland, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Cabdi-Gube oo ka tirsan Waaxda Canshuurta ayaa lagu waramay in uu weerarkaas ku waayey mid kamid ah lugihiisa lana dhigay Isbitaalka.

"Wallow saraakiisha amnigu aysan wali ka hadlin, haddana gaariga wuxuu ku qarxay bartamaha magaalada," ayuu yiri wariye madax banaan.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow badi dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyey magaalada ay sheegatay Al-Shabaab.

Cabdisamad Maxamed Galan, wasiirka amniga Puntland, oo asbuucii hore wax laga waydiiyey falalka noocaan ah ee kasoo cusboonaadey magaalooyinka qaar, ayaa sheegay in ay ku dedaalayaan wax ka qabashadooda.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii weerar is-miidaamin oo ka dhacay caasimada Garowe lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal isla markaana ay ku dhaawacmeen tirro kale uu ku jiro sarkaal boolis.

Taliska Booliska Puntland ayaa wacad ku maray in loo aar-gudi doono marxuumka xili xukuumada ay ku adkeysatay in ay xididaha u siibi doonto argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM