Masuuliyiin ka tirsan shirkadda dhisaysa garoonka Garoowe oo yimi [Dhagayso]

Image

09 September, 2015(GO)-Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa xaqiijiyay imaansha Injineeradii dhisi lahaa garoonka diyaaradaha Garoowe oo qorshuhu yahay in la bilaabo dhawaan.

Wasiirka oo la hadlayay Radio Garowe waxa uu xusay inay yimaadeen niman ka tirsan Shirkadda dhisaysa garoonka kuwaasi oo uu sheegay inay qiimayn ku sameynayaa meeshii la dajin lahaa shirkadda iyo qaabka ugu haboon ee qalabkooda u soo raran lahaayeen.

Xasan Cadde waxa uu sheegay inay qaadan doonto dhismaha garoonka Garowe muddo ka yar sannad, waxaana dhismihiisa la bilaabi doonaa bisha soo socota.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaana uu sheega in hawshu si fiican u socoto dhismihiisana la soo gaba-gabayn doono bisha December ee sannadkan. 

Dhawr jeer oo hore waxaa dib u dhacay mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Garowe, waxaana dhawaan magalada Dubai lagu saxiixay qandaraaska dhismah garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM