Masuuliyiin "loo diiday" in ay tagaan degaano dhaca Puntland

Image
Bulshada gobolkan ayaa la aaminsan yahay in ay ka gadoodsan yihiin talaabo ay qaadey xukuumada.

GAROWE, Puntland - Degaano ka tirsan gobalka Gaardafuu ee Puntland ayaa loo diiday in ay booqasho ku tagaan masuuliyiinta maamulka, wafdi wasiiro ay ku jiraan ayaana Garowe dib ugu soo laabtay.

Wasiir xigeenka Dekedaha Qaasim Maxamed Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxay ay la kulmeen culeys kadib markii ay gaareen degmadda Baargaal ee gobalkaas.

Murcanyo oo uu isku dayay in uu tago ayaa, sidda xogta ay tilmaameyso, waxaa is-hortaagay maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay, waxaana taas ay keentay in wafdiga dib ugu laabto Baargaal.

"Labo wado oo kala ah Dhabaqo iyo Lafo-goray oo ah marinada degmooyinka gobalka Gaardafuu isku xira  marka dhulka lagu safrayo ayaa ay dageen maleeshiyo beeleedkan," ayay soo wariyeen illo wareedyo.

Bulshada gobalka Gaardafuu ayaa la aaminsan yahay in ay ka gadoodsan yihiin seejooyinka lagu saleeyay sohdimo aan heshiis lagu ahayn oo ay gudbisay wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Talaabadaas waxaa fuliyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland kaasoo dhexdhexaadnimadiisa ay su'aal geliyeen qaybo kamid ah ururada siyaasadda iyo dadweynaha.

Hogaanka dhaqanka gobolka oo kasoo muuqdey warbaahinta ayaa dowladda uga dalbadeen in la saxo soohdimaynta "oo ah mid keenaysa iska horkeenka dadwayne haatan si nabad ah u wada nool".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM