​Mas'uuliyiin soo dhaweyn loogu sameeyay Garowe

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Nugal iyo qaar kamid ah ganacsatada ku dhaqan caasumadda Puntland, ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah u sameeyay mas'uuliyiin kasocotay dowladda Federaalka Somalia iyo maamul goboleedyada dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay Garowe, ayaa ujeedadiisa lagu sheegay is-barasho iyo kala war-qaadasho u dhaxaysa martida katimid qaybo kamid ah Somalia iyo xubnihii soo dhaweynta sameeyay.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga gobolka Nugal, Maxamud Axmed Farax (Qowdhan) iyo xubno kamid ah ganacstadii xafladda timid, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kulanka ay la qaateen mas'uuliyiinta kala ah; Maxamuud Cabdi Cali Gabayre oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed A. Cabdi (Martello) oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug, Suldaan Bube Aadan Bube oo ah Gudomiyaha Xigeenka Rugta Ganacsiga Koonfur Galbeed iyo Maxamed Shariif oo ah Wakiilka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland.

Waxay sheegeen in kulankan oo abuuri karo fursado ganacsi iyo kala qaadashada faa'iidooyin badan iyagoo xusay inay aad usoo dhaweynayaan booqashada ay ku yimaadeen magaalada Garowe.

Xubnaha la casuumay, ayaa dhankooda ka mahad-naqay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegeen in deegaanada Puntland ay taallo hormar laxaad leh oo u baahan in fikrado badan laga qaato.

Munaasabaddan, ayaa timid kadib markii xubnahan kasocoda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ka qayb galeen shir ka dhacay Garowe oo looga hadlay ganacsiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM