​Mas'uuliyiin soo dhaweyn loogu sameeyay Garowe

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Nugal iyo qaar kamid ah ganacsatada ku dhaqan caasumadda Puntland, ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah u sameeyay mas'uuliyiin kasocotay dowladda Federaalka Somalia iyo maamul goboleedyada dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay Garowe, ayaa ujeedadiisa lagu sheegay is-barasho iyo kala war-qaadasho u dhaxaysa martida katimid qaybo kamid ah Somalia iyo xubnihii soo dhaweynta sameeyay.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga gobolka Nugal, Maxamud Axmed Farax (Qowdhan) iyo xubno kamid ah ganacstadii xafladda timid, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kulanka ay la qaateen mas'uuliyiinta kala ah; Maxamuud Cabdi Cali Gabayre oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed A. Cabdi (Martello) oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug, Suldaan Bube Aadan Bube oo ah Gudomiyaha Xigeenka Rugta Ganacsiga Koonfur Galbeed iyo Maxamed Shariif oo ah Wakiilka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland.

Waxay sheegeen in kulankan oo abuuri karo fursado ganacsi iyo kala qaadashada faa'iidooyin badan iyagoo xusay inay aad usoo dhaweynayaan booqashada ay ku yimaadeen magaalada Garowe.

Xubnaha la casuumay, ayaa dhankooda ka mahad-naqay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegeen in deegaanada Puntland ay taallo hormar laxaad leh oo u baahan in fikrado badan laga qaato.

Munaasabaddan, ayaa timid kadib markii xubnahan kasocoda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ka qayb galeen shir ka dhacay Garowe oo looga hadlay ganacsiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM