DF oo looga digay in ay is-hortaagto tayeynta ciidamadda maamulada

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Federaalka ah oo caqabad ku noqota dhismaha iyo tayeynta ciidamadda maamul goboleedyadda ayaa hor-seedi karta in la kala tashado, sidda uu ka digay madaxweynaha maamulka Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ku eedeeyay xukuumadda dhexe in aysan Puntland gaarsiin qoondada kaga aadan kaalmada caalamka ku bixiyo sugida ammaanka Soomaaliya ayaa codsaday in la bedelo siyaasadaas.

Deni oo hoosta ka xariiqay baahi deg-deg ah oo loo qabo isbedel lagu sameeyo arrintaas ayaa Beesha Caalamka ugu yeeray in ay kula xisaabtamaan madaxda dowladda federaalka meelaha ay ku bixiyaan dhaqaalahaas.

"Waxaa nasiib daro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto," ayuu ka sheegay xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo.

Dowladda Farmaajo ee muddo xileedka uu dhamaadka ka yahay ayaa waxay wajaheysaaa eedeymo ay kamid tahay in ay isku dayeyso "in dano siyaasadeed ay maamulada kaga bedelato dhaqaalaha aduunyadda laga helo".

"Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Saciid Cabdullaahi.

La dagaalanka argagixisada iyo nabadda Soomaaliya ayaa kamid ah dhinacyadda ay deeq-bixiyeyaasha ku bixiyaan dhaqaalaha ugu badan.

Inkasta oo "waqtigooda uu gabaabsi yahay," Al-Shabaab iyo Daacish oo kamid ah halista amni ee Soomaaliya wajaheysa ayaa ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda Puntland, halkaas oo si joogto ah loogu beegsado.

"Sidda Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo Dowladda waajibaadka lagarabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go'an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Sadexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaadha," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu.

Marka laga yimaado dhaqaalaha, tababarka ciidamadda ayaa kamid ah arrimaha dowladda aysan si siman ugu qeybmin maamulada, iyaddoo Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ay safka hore kaga jiraan dalalka bixiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM