Maxaa kasoo kordhay wadahalada xiisada PSF ee Boosaaso?

Image
Warbixinada ayaa soo-jeedinaya in horumaro wanaagsan laga sameeyay wadaxaajoodyada.

GAROWE, Puntland - Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in wadahadalo uu halkaas uga soconayo xubno ka tirsan dowlada Puntland iyo agaasinkii hore ee hay'adda PSF.

Illo wareedyo war-gal ah ayaa tibaaxaya in wadaxaajoodyadda ay meel fiican marayaan isla markaana isu-soo-dhowaanshiyo laga gaarey qaabka loo xalinayo xiisadda ka dhalatay isbedelka hogaankii hore ee hay'adda.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay qayb ka yihiin wareejinta dhulka hay'adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay'adda.

Dhulka hadda xarunta u ah hay'adda waxaa iska leh qoyska agaasinkii hore. Sidoo kale, waxaa la sheegay in ay u badan tahay in loo ogolaado qayb kamid ah hubka iyo gaadiidka hay'adda.

"Wakiiladda dowladda Puntland ku metelaya wadahadaladda waxaa kamid ah wasiirka maaliyadda, Xasan Shire Cabdi, iyo wasiirka warfaafinta, siyaasiyiin iyo ganacsatada magaalada," ayuu yiri qof la socda kulanka.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa bishii hore xil ka qaadis uu ku sameeyey agaasimihii hay'adda PSF waxaana arrintaas ay sababtey in ciidamo dowlada ah lagu soo daadgureeyo xarunta ganacsiga Puntland.

PSF oo dowladda Mareykanka ay si weyn u taageerto ayaa muddo dheer ahayd hay’ad agaasimiyaashii ugu badnaa ay kasoo jeeda qoyska reer Diyaanno, oo si gaar ah u maamulayay dhaqaalaha Pentagon siiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM