Deni oo digniin dano shaqsi huwan kasoo saarey sharci kalluumeysi

Image
Ganacsato reer Puntland oo horey ugu lug lahaa jariifka kalluunka ayaa qeyb ka ah qorshahan.

GAROWE, Puntland – Maamulka Puntland ayaa ka digtay meelmarinta nuqulo sharci la xariira Kalluumeysiga Soomaaliya, oo horyaala golaha shacabka faderaalka, kaas oo ay sheegtay in uu halis ku yahay daganaanshaha siyaasadeed, hanaanka federaaleynta iyo Amniga Qaranka.

Digniintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni u uku guda jiro10-kii bilood ee ugu dambeeyey muddo xileedkiisa waxaana uu horey u sheegay in uu u hakiyey wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka ah.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Deni uu horey u bixiyey ruqsado kalluumeysi oo uu siiyey 65 markab kuwaas oo sida xoggo lagu kalsoon yahay dowlada Federaalka sheegtey gaar ahaan Wasaradeeda Kaluunka ineysan aqoonsaneyn.

"Bayaanka wuxuu u muuqdaa mid looga gaashaamanayo in dowladda Soomaaliya ay saameyn ku yeelato ama ay fulintooda caqabad ku noqoto ruqsadahan aan sharciyad lahayn oo uu bixiyey madaxwayne Deni," ayay raaciyeen illo wareedyo.

Fahfaahinta ayaa waxay intaas ku daraysaa in darafyadda la siiyey shatiyada sharci darada ah ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan ururadda siyaasada qaarkood iyo ganacsato reer Puntland ah oo horey ugu jiray jariifka kalluunka oo haatan uu Deni ka leeyahay dano dhaqaale iyo muddo kororsiga.

"Madaxweynaha waxa uu bixinta ruqsadahan sharci darada ah ku iibsanayaa muddo kororsi iyo in uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale u helo barnaamijka dimuqraadiyeynta ee halka dhinac ah," ayuu ku dareen dadka xog-ogaalka ah.

Sikastaba ha ahaatee, Barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland ayaa haatan wajahaya dildilaac kadib markii ay qaadaceen qaar kamid ah ururadda tunka weyn, iyo qeybaha kala duwan bulshadda kuna baaqeen in la hakiyo lana sugo in ay si daahfuran u dhaqaajiso xukuumadda soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM