Muxuu yahay buuga la hadalhayo ee Puntland mamnuucdey?

Image
Wasaaradda Tacliinta Puntland ayaa amar ku bixisay in Buugan aan cashar ahaan loo siin karin ardayda.

GAROWE, Puntland -Wasaaradda waxbarashadda dowladda Puntland ayaa mamnuucdey buug ka hadlaya taariikhda Soomaaliya kaasoo siyaasiyiin madaxwayneyaal soo noqdey ku tilmaamay "dagaal-oogayaal".

Buugan ayaa waxaa la sheegay in uu yaalay dugsi lagu magacaabo Khadiija oo ku yaala caasimada Garowe. Mas'uuliyiinta wasaarada waxay xuseen in ay go'aan rasmi ah kasoo saarayaan go'aankooda.

"Buugan wuxuu gudbinayaan fariin weyn oo liddi ku ah madax sharaf badan oo dalkan wax u soo qabatay. Sidaas darteeda, ma ahan in ubadkeena taariikh khaldan la siiyo," ayuu yiri mas'uul ka tirsan wasaaradda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in wasaaradda ay baaritaan ku bilowdey qaabka uu Buugan ku gaarey degaanada Puntland. "Natiijadda baaritaanka waa la shaacin doonaa," ayuu raaciyey mas'uulka.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in baaritaanka uu salka ku hayo in la helo isha saxda ah ee Buugan uu kalkii hore ka yimid iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa faafitaankiisa.

"Buugga ayaa yaalley dugsi gaar ah oo lagu magacaabo Khadiija kuna yaal Garoowe. Wasaaraddu waxay joojisey in wax danbe laga dhigo, waxayna sheegtey in ay go'aan rasmi ah ka soo saarayso dhawaan," ayuu raaciyey.

Magacyadda caanka ah ee Buuga kasoo muuqdey waxaa kamid ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii hore ee Puntland iyo waliba dowladda Soomaaliya kana mid ahaa bud-dhigeyaasha dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa magacyadda lagu arkay kamid ah Cali Mahdi Maxamed oo dalka madaxwayne kasoo noqdey. Mahdi wuxuu bishii Maarso ee sanadkan 2021-ka uu Muqdisho ugu geeriyoodey safmarka Covid-19.

Nuqul kamid ah Buuga buuqa dhaliyey

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM