Muxuu yahay buuga la hadalhayo ee Puntland mamnuucdey?

Image
Wasaaradda Tacliinta Puntland ayaa amar ku bixisay in Buugan aan cashar ahaan loo siin karin ardayda.

GAROWE, Puntland -Wasaaradda waxbarashadda dowladda Puntland ayaa mamnuucdey buug ka hadlaya taariikhda Soomaaliya kaasoo siyaasiyiin madaxwayneyaal soo noqdey ku tilmaamay "dagaal-oogayaal".

Buugan ayaa waxaa la sheegay in uu yaalay dugsi lagu magacaabo Khadiija oo ku yaala caasimada Garowe. Mas'uuliyiinta wasaarada waxay xuseen in ay go'aan rasmi ah kasoo saarayaan go'aankooda.

"Buugan wuxuu gudbinayaan fariin weyn oo liddi ku ah madax sharaf badan oo dalkan wax u soo qabatay. Sidaas darteeda, ma ahan in ubadkeena taariikh khaldan la siiyo," ayuu yiri mas'uul ka tirsan wasaaradda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in wasaaradda ay baaritaan ku bilowdey qaabka uu Buugan ku gaarey degaanada Puntland. "Natiijadda baaritaanka waa la shaacin doonaa," ayuu raaciyey mas'uulka.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in baaritaanka uu salka ku hayo in la helo isha saxda ah ee Buugan uu kalkii hore ka yimid iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa faafitaankiisa.

"Buugga ayaa yaalley dugsi gaar ah oo lagu magacaabo Khadiija kuna yaal Garoowe. Wasaaraddu waxay joojisey in wax danbe laga dhigo, waxayna sheegtey in ay go'aan rasmi ah ka soo saarayso dhawaan," ayuu raaciyey.

Magacyadda caanka ah ee Buuga kasoo muuqdey waxaa kamid ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii hore ee Puntland iyo waliba dowladda Soomaaliya kana mid ahaa bud-dhigeyaasha dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa magacyadda lagu arkay kamid ah Cali Mahdi Maxamed oo dalka madaxwayne kasoo noqdey. Mahdi wuxuu bishii Maarso ee sanadkan 2021-ka uu Muqdisho ugu geeriyoodey safmarka Covid-19.

Nuqul kamid ah Buuga buuqa dhaliyey

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM