Maxaa lagaga hadlay shirkii golaha Wasiirada Puntland Khamiista

Image

BOSSASO, Puntland- Shirkii golaha xukuumada Puntland ee Khamiisla ahaa ee lagu qabtey magaalada Bosaso 5 May,2016 kasoo uu shir gudoominayey Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa laga hadlay arrimaha dhaqalaha ee sii xumaanaya.

Golaha xukuumada ayaa inta uu socdey kulankaan waxa ay eedeyn u soo jeediyeen wasaarada Maaliyada Puntland kadib markii muddo Lix bilood ah aysan qaadan kharashkii adeegyada ee shaqada kuwadi lahaayeen.

Sida wararka Garowe Online ku helayo kulankaan ayaa lagu soo bandhigey in dakhliga wasaarada Maaliyada Puntland u soo xeroon jirey hoos u dhac ku yimid 40% sababo lagu sheegey iney meesha ka baxdey ilaalintiisa.

Madaxweynaha Puntland oo shir gudoominayey kulankaan ayaa sida wararka ay sheegayaan markii wasaarada Maaliyada su'aalo badan la weydiiyey kadib uu ka dalbadey iney soo cadeeyaan sababta keentey hoos u dhacaan ku yimid dakhliga.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxey kulankaan ayaa diirada lagu saarey kulan looga hadlayo Dastuurka Somalia kaasoo lagu qaban doono magaalada Garowe dabayaqada bishaan.

Eedeynta  golaha xukuumada u soo jeediyeen wasaarada Maaliyada Puntland ayaa imaaneysa maalmo kadib markii mudaharadyo lagaga soo horjeedo sicir bararka Puntland ka dhaceen magaalooyinka Garowe iyo Bosaso kuwasoo lagaga cabanayey lacagaha Shillin Somaliga ee lagu daabaco Bosaso iyo kuwa suuqyada ka soo gala degaano kale ee ka tirsan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM