Puntland iyo Sacuudiga oo ka shiray dhoofka xoolaha ee maalgashiga

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo safiirka Sacuudiga u fadhiya Nairobi ayaa maanta oo Talaado ah ku kulmay magaala madaxda Kenya.

Danjire Mohamed Abdulghani Khayaad ayaa lagu waramayaa in uu farxad ka muujiyey kulanka uu la yeeshay Deni.

Madaxtooyadda Puntland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa fahfaahin ka bixisay ajendaha iyo qodobadda looga hadlay shirka.

Warka qoraalka ah ayaa lagu shaaciyey in mas'uuliyiinta ay kawada xaajoodeen xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga.

Si gaar ah waxaa la tilmaamay in ay isla soo qaadeen sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudi Carabiya.

Intaas waxaa wehlisa in ay kawada hadleen iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay.

Arrimaha maalgeshiga ayaa qayb ka ah qodobadda lagu lafaguray kulanka, gaar ahaan maalgelin uu Sacuudiga ku sameeyo guud ahaan Soomaaliya si gaar ah Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay waddanka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM