DF oo lagu eedeeyay in ay dagaal ku hayso horumarka tacliinta Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gudoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda dowladda Puntland.

Inta badan xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kasoo qeybgalay shirka oo ka dhacay Madaxtooyadda magaala madaxda dowladda ee Garowe.

Madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa kamid ah mas'uuliyiinta kasoo muuqday kulanka.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda, shirka ayaa diiradda lagu saarey Amniga, Tayeynta Waxbarashada, diiwaangelinta iyo dib u habeynta Shaqaalaha iyo qodobo kale.

Qoraal kasoo baxay kulanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah in ay wali dagaal ku hayso waxbarashadda Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay ardayda Puntland u diiday shahaadadii heer federal ayna arrintaas u xayiran yihiin arday ku sugan Garowe iyo Muqdisho.

"Dowladda Federaalka oo qoraal u dirtay dowladdaha Puntland ka caawiya waxbarashada ayaa ka codsatay in la joojiyo in waxbarashada Puntland la taageero," ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland oo dhaqankaas ku tilmaamtay mid muujinaya in la jabiyay heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac ayaa xustay in dhibaato kasta oo ka dhalatay ay qaadeyo xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM