Maxaa looga hadlay shirka guddiga amniga ee gobolka Mudug?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha dowlada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo, ayaa wuxuu maanta Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Gobolka Mudug.

Kulanka oo looga hadlay Amniga Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska ee Dowladda Puntland, La taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhabaano qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ee Gaalkacyo ku sugan.

Dhanka kale, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo Dhalinyarada Gobolka Mudug.

Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dhallinyarada ee Gobolka, caqabadaha, fursadaha iyo dhismaha garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo Cawaale Stadium.

Deni ayaa ka jawaabay codsiga dhallinyarada ee ku saabsan dhismaha garoonka Cawaale stadium, wuxuuna balan qaaday dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium.

Da'yarta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Deni sida Dowladda iyo hoggaaminta dalka uu door muhim ah uga siiyey, sidoo kale waxay dhallinyaradu soo dhoweeyeen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo iyaga u ah fursad wanaagsan.

Geesta kale, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane, ayaa isla xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Waxgaradka degmada Towfiiq ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee deegaanka, sida dhinacyada Amniga, horumarka iyo Siyaasadda.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kula dardaarmay Waxgaradka iyo Odeyaasha in ay ka shaqeynta midnimada, nabadgelyada iyo horumarka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM