Maxaa sababay in Burcad Badeedu dib uga dilaacdo Puntland!

Image

Boosaaso-Deegaanada Puntland ayaa lagu waramay tobankii bari ee ugu danbeeyay in ay dib uga bilawdeen kooxihii beegsan jiray maraakiibta adeegsanaya Biyaha Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah.

17 Dec ayaa laga diiwaan-geliyay weerarkii u horeeyay xeebaha degmada Eyl ee gobalka Nugaal halkaasi oo kooxo Burcad-Badeed ahi ay ka afduubteen Dooni kaluumaysi oo lagu magacaabo Al-Micraaj 1.
Faah-faahinteeda: https://www.garoweonline.com/en/news/puntland/burcad-badeed-dooni-ku-afduubatay-xeebaha-eyl

29 isla markaan oo ahayd Arbacadii ayaa Afduubkii labaad bil gudaheed loogu geystay xeebaha degmada Qandala ee gobalka Bari dooni kaluumaysi taasi oo aan wali ilaa iyo hadda faah-faahin laga hayn halka lala aaday.

Dhawaan Pentagon-ka maraykanka sheegay in Markab dagaal oo ay leeyihiin uu bad-baadiyay Markab Ganacsi oo lagu magacaabo'Central Park'' kaasi oo rag hubeysan ay weerareen.

Shan nin oo weerarka ka danbeeyay ayuu Maraykanku sheegay in ay Soomaali yihiin isla markaana lagu xiray gudaha markabka dagaal ee, Mason.

Maxaa sababay soo rogaal celinta Burcad-Badeeda gaar ahaan Puntland?

Puntland ayaa ka caaganayd Burcad-Badeeda tan iyo 2009 xiligaasi oo la doortay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole kaasi oo dagaal ba'an la galay Burcadda oo xiligaasi ay saldhigyadeeda Puntland kamid ahayd gaar ahaan magaalooyinka Eyl iyo Garacad ee gobalada Nugaal iyo Mudug.

23-Dec 2012 ayaa lagu xusuustaa in Puntland in ay soo furatay markabkii ugu wakhtiga dheeraa ee lagu haystay xeebaha Soomaaliya kaasi oo ahaa MV-Iceburg 1 oo ay Burcad Afduubteen 29 March 2010.

Falanqeeyayaasha ayaa ku doodaya in sababaha ugu waawayn ay kamid yihiin ciidamadii Badda Puntland oo laga jeediyay guud ahaan hawlihii Badda isla markaana loo weeciyay dhanka Dhulka isla markaana madaxweynaha Puntland ee Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay maalmaha ka harsan yihiin, Siciid Deni uu isticmaalayo Siyaasad.

Dhawaan waxaa baraha bulshada qabsaday cutubyo ka tirsan kuwa Badda Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka kuwaasi oo ku qul-qulaya caasimadda Puntland ee Garowe si halkaasi ay xoog uga hirgeliyaan ku darsiga lagu tilmaamay ''mid Dastuurka khilaafsan''.

Burcad-Dhiiragelin loo sameeyay!

sidoo kale Aqoonyahanka reer Puntland ayaa ku doodaya soo dhawaynta iyo buun-buuninta ay u samaysay Madaxtooyada Puntland iyo qoyska madaxweyne Deni Burcad-Badeedki hore, Kabtan Ayuub in ay awood xagga Mooraalka ah siinayso in ay Dhalinyaradu ay ku dhiiradaan falalkaas isla markaana aanu Puntland gudaheedi sharcigu waydiinayn tagtadiisi.

Ciidamada Badda Puntland ayaa la rumeysan yahay in qeyb kamid ah loo xil-saaray la socoshada Burcad-kaan hore kaasi oo haatan Beelaha ka aflagaadeeya baraha Bulshada iyaga oo kasoo muuqda inta badan fagaarayaasha ay Madaxtooyada Puntland uga abaabusho gobalada.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM