Maxaa sababay iska hor-imaadka Ciidan ee ka dhacay gobalka Raas Casayr?

Image
Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed.

Garowe, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor-imaad xooggan oo saaka ka dhacay degaanka Hursale oo ka tirsan degmada Caluula ee Gobolka Raas Casayr.

Iska hor-imaadka oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed ka soo jeeda degaanka Hursale ayaa la sheegay in uu sababay khasaare labada dhinac ah.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Caluula ayaa laga soo xigtay in iska hor-imaadkaasi ka dhashay muran la xiriira sida loo qaybsanayo hub dhawaan booliska degaanku gacanta ku dhigeen, oo xiligaasi boolisku sheegeen Inuu ahaa sharci doro hub ku yimid.

Hubkaas ayaa laga dejiyay doonni si sharci-darro ah ku soo gelinaysay xeebaha gobolka Raas casayr, taasi oo gacanta lagu dhigay iyada iyo raggii watay.

Qaar ka mid ah hubkii lagu qabtay doonta ayaa dhawaan warbaahinta loo soo bandhigay balse wararka ayaa tibaaxaya in muranku ka taagan yahay qaybsiga intii kale oo aan la soo bandhigin hubkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM