Maxabiis xorriyadooda helay magalada Bosaso [Dhagayso]

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Maxaabiis kala duwan oo ku xirnaa xabsiyada magalada Bosaso ayaa xorriyadoodii dib u helay ka dib markii maxkamaddu sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.

Shakhsiyaadka maanta la sii daayay ayaa isugu jiray kuwa lala xiriirinayay inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsana ilaalada madaxtooyada gobolka Bari. 

 

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobollada Bari, Kar-kaar, Haylaan, Sanaag iyo Gardafuu, Cabdufitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in xorriyadooda dib u heleen sideed eedaysan oo qaybtood ka mid ahaayeen ciidamada Daraawiishta Puntland, halka kuwa kale lagu tuhmay inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab.

Dadka maanta la sii daayay ayaa kala aha; 

1-Nuunow Maxamed Madnuur
2-Maxamed Maxamuud Xassan
3-Cali Nuur Macalin
4-Bashiir Cabdi Dirir
5-Axmed Yaasiin Xirsi
6-Kayse Maxamed Cabdullaahi Faarax ciidanka Daraawiishta Puntland
7-Dable Bashiir Siciid Muuse ciidanka Daraawiishta Puntland
8-Dable Cabdiraxmaan Daahir Axmed ciidanka Daraawiishta Puntland.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in sharci darro loo haystay muddo ka badan Sannad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM