Maxamed Cabdi Xaashi oo Aas heer Qaran ah loogu sameeyay Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa Arbacada maanta ah waxaa Aas heer Qaran loogu sameeyay magaala madaxda maamulka, Garowe.

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, Senator Cabdiraxmaan Faroole ahna madaxweynihii hore ee Puntland, guddoonka golaha wakiilada, wasiiro, taliyeyaal iyo mas'uuliyiin ayaa ka qeybgalay.

Madaxda oo salaada janaasada ku tukaday marxuumka ayaa ALLE uga tuugay in uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa iyo in uu qabrigiisa u waasiciyo una fududeeyo su'aasha qabriga.

Marxuumka ayaa todobaadkan ku geeriyooday waddanka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi, halkaasoo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey isla markaana lagula tacaalayey.

Diyaarad qaas ah oo ay ku wehliyeen xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa saaka kasoo qaaday Nairobi isla markaana kasoo dejisay garoonka diyaaradaha caasimadda dowlada Puntland.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa soo qabtay xilalka madaxweynaha iyo ku xigeenka, oo uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay tan iyo markii la aas-aasay maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee, marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii Puntland, oo ah maamulkii ugu horeeyay ee guud ahaan geyiga Soomaaliya lagu yag-leelay hanaanka ku dhisan federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM