Maxamed Cabdiqaadir oo beeniyay eedaynta dowladda Gaas

Image

October 26, 2014 (GO)- Agaasimihii hore ee wasaradda Deegaanka Puntland Maxamed Cabdiqaadir Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedaynta dowladda Gaas usoo jeedisay dowladdii ka horaysay ee Cabdiraxmaan Farole.

Maxamed Cabdiqaadir oo shir jaraa'id ku qabtay magalada Garowe ayaa tilmaamay inuusan waxba ka jirin eedaynta ah in dowladdii hore 14-malyan oo deyn ah uga tagtay taasoo uu sheegay inaysan waxba ka jirin oo cadadka lacagta deynta ah ay gaarayso hal-malyan iyo boqol kun oo doolar.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa furitaanka kalfadhiga gollaha Baarlamaanka ka jeediyay in musuq maasuq iyo deymo faro badan uga tagtay dowladdii ka horaysay taasoo keentay in siyaabo kala duwan looga hadlo.

''Puntland caado waxaa u ahayd dowladda kasta oo ka dhalata saddexda sano oo hore mushaharooyinka way bixin jireen, balse ma dhicin dowlad sanadkii ugu horeeyay mushaharooyinkii gabtay,Ciidanka qalabka sida shan bilood ayaa mushahar ka maqan bishii tobanaad-na waa lagu jiraa, haddii ay howlihii gabtay ma ahan in dowlad soo shaqaysay shan sano ku xoqoto''.

Mashaariicda socota ayuu sheegay Maxamed Cabdiqaadir inay ka tagtay dowladii hore taasna ay cadayn u tahay inaysan dowladani wax badan oo hormar ah la imaan.

Madaxwayne Gaas ayaa dhowr jeer oo hore ku celiyay inuu xilka la wareegay Puntland oo daymo faro badan lagu lee yahay iyo mamul xumo ka muuqatay mamulka maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM