Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hadlay Shirkii Garoowe iyo Xaaladda Kala Guurka Puntland [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Maxamed Cabdiraxmaan oo ah siyaasi falan-qeeya arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena xilal kale duwan horay uga soo qabtay Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay laba arrin oo kala ah shirkii gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee Garoowe lagu soo gebagebeeyay 25-kii bishaan iyo xaaladda guurka ee dowladda Puntland.

Wuxuu sheegay in shirka Garoowe ku soo dhammaaday uu kaga muuqanayo daneysi ay madaxda maamullada hoosta ka wataan.

Khilaafka haatan taagan iyo doorashooyinka ku soo wajahan qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ayuu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan in uu saameeyn ku yeelan karayo qabsoomidda doorashooyinkaasi.

Dowladda dhexe ayuu kaga digay in ay faragelin ku sameeyso arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada isagoo u jeediyay in in ay u madaxbannaaneyso matalayaasha shacabka cidda ay soo doortaan.

Dhanka kale, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa si qoto dheer kaga hadlay xaaladda Puntland oo uu ku nuuxnuuxsaday in la kala saaro siyaasadda iyo ciidamada

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaqan ku cusub Puntland uu yahay dhacdo maalin dhoweyd ay baahiyeen warbaahinta qaar oo ay ku sheegeen “Saraakiil ka tirsan ciidamada in ay Garoowe ka taageereen dowladda federaalka”.

“Waxaan ka digayaa arrin waayadaan soo shaac baxaysay oo ahayd in la furo dastuurka oo rag odayaal ah ay doonayaan in baarlamaanka soo socda Puntland-ta cusub 2019-ka ay ku yeeshaan arrintaas waa wax aan maangal ahayn” buu yiri siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ah aas-aasaha iyo gudoomiyaha guud ee Warsidaha Garowe Online, ayaa ugu dambeeyn, shacabka iyo xukuumadda waqtiga uu ka sii idlaanayo ee Puntland ugu baaqay in xil iska saaraan sidii doorashada madaxtinimada 08-01-2019-ka ugu dhici lahayd qaab nabadeed, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhiilo keeni kara.

Xigasha: Goobjoog News

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM