Maxay ahaayeen diyaaradaha lagu arkay garoonka Garowe?

Image
Saraakiil ka warqaba baaritaanka ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in diyaaradahan laga leeyahay Pakistan.

GAROWE, Puntland - Baaritaan ay dowladda Puntland ku sameysay laba diyaaradood oo yaallay garoonka diyaaradaha Garowe ayaa lasoo gabagabeeyay, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Saraakiil ka warqaba baaritaanka oo codsadey in aan la sheegin magacyadooda sababo ku aadan xasaasiyada kiiskan ayaa u xaqiijiyey GO in diyaaradahan laga leeyahay Pakistan.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in diyaaradahan ay soo kireysteen ganacsato hase ahaatee aan wax shaqo ah lagu qaban sababo ku aadan is-faham-waa gadaal kasoo ifbaxay.

"Kahor inta aan la keenin Garowe, diyaaradaha waxay muddo afar bilood ah yaaleen madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho," ayay tibaaxeen qaar kamid ah illo wareedyadda.

Sida laga soo xigtey dadka la socda qadiyadda, mudadii ay yaaleen Muqdisho waxaa lala sugayey in qaab kiro ahaan ula wareegaan ganacsato "balse aysan marnaba dhicin arrinkaas".

"Kahor Soomaaliya, dal ku yaala Afrika ayay muddo yaaleen diyaaradaha waana sababta ugu weyn ee dowladda Puntland ay uga shakisay," ayay xuseen saraakiisha amni ee baaritaanka qeybta ka ah.

Warar dheeri ah oo Garowe Online ayaa sheegaya in diyaaradahan ay ku socdaan dalka Pakistan ayna keensadeen shirkado fadhigoodu Garowe yahay isla markaana ay samaynayeen kala badal shaqaale.

Garoomada diyaaradaha Puntland ayaa kamid ah kuwa ugu amniga badan Soomaaliya. Balse, ma aysan helin wax horumarin mudada ay jirto xukuumada madaxwayne Deni oo ku mashquushay siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM