Maxay ka wada hadleen Saamileyda Siyaasadeed ee Puntland iyo Madaxa UNSOM?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing ayaa maanta kulan fogaan arag ah la qaadatay saamileyda siyaasadeed ee Puntland oo u tartamaya xilka Madaxatinimada Maxamed Cabdiraxmaan Farole, Guuleed Salah iyo Cali Xaaji Warsame.

Kulanka ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga waantoobo muddo kordhin loo sameeynayo Madaxweynaha hadda talada haya Saciid Deni, waxaana la is la qaatay in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda, iyadoo la ilaalinayo mabaadi'da dimoqraadiyadda lana taabo-gelinayo sharuucda u taala Puntland.

Kulankan oo ay soo agaasimeen xafiiska UNSOM ayaa looga gollahaa sidii Puntland looga hirgelin lahaa jawi siyaasadeed oo hufan, ka hor qabashada doorashooyinka oo ay ka harsanyihiin muddo bilooyin ah.

Saamileyda siyaasadeed ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan muddo kordhinta, iyagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo qodobbada dastuuriga ah, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in muddo kordhinta Madaxweynaha ay wiiqi karto horumarka laga gaaray dowladnimada Puntland, taas oo keeni karto xasillooni darro siyaasadeed.

Waxaana inta lagu guda jiray shirka la sheegay in xasiloonida siyaasadeed ee Puntland ay muhiim u tahay amaanka guud ee Soomaaliya iyo sidoo kale gobolada SSC Khatumo oo ku guuleystay dhawaan in deegaanadoodii ka saaraan Ciidamada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM