Maxay ka yiraahdeen shacabka Garowe shaqa joojinta lagu sameeyay VOA?

Image

29, Octobar, 2015(GO)-Shacabka ku nool magalada Garowe caasumadda Puntland ayaa arragtidooda ka dhiibta qaabka xukuumaddu u joojisay shaqada VOA-da.

Barnaamij ay qabatay Idaacadda Radio Garowe, ayaa bulshada uga qayb galeen khadadka telefonka, waxayna intooda badan ka soo horjeesteen xanibaadda lagu sameeyay laanta Afka Somalia ee VOA.

Shacabka ayaa tilmaamay inaysan dowladdu u marin sifo sharciga waafaqsan hakinta Idaacadaasi, iyagoo qaybtood soo jeediyeen in wasaaradda warfaafinta Puntland uga fadhiyaan waxyaabaha la tagayaan maxkamadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM