Maxay kawada hadlayaan, MD Deni iyo Agaasimaha PSF oo leh Kulankoodi 2-aad isla isbuucan?

Image
Kulankii ugu danbeeyay ee dhexmaray labada dhinac ayaa ka dhacay Boosaaso 4 March 2022

Garoowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimaha hay'adda PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa Todobaadkan markii labaad shir gaar ah la yeeshey.

Xogo aynu ka helnay ilo ku dhow madaxtooyada Puntland oo aan ogolayn in magacooda la shaaciyo ayaa inoo xaqiijiyay in kulanki labaad uu u socdo Madaxweynaha iyo agaasimaha. 

"Waa shir gaar ah oo ku saabsan wada-shaqaynta hay'adda PSF ee uu agaasimaha ka yahay  Maxamuud Diyaano iyo madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid Deni, laguna dhamaynayo howlo shaqo oo qabyo ahaa" ayuu yiri sarkaalkan oo aan rabin in magaciisa la xuso.

Kulankii ugu danbeeyay ee dhexmaray Madaxweyne Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano ayaa ka dhacay Boosaaso 4 March 2022, waxaana lagu dhameeyey arimhii jirey intooda badan balse waxaa soo kala dhexgalay dhameystirkooda doorashooyinkii ka jirey Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa tan iyo intii dib loo doortey 8 January, 2024 ayaa waxaa la kulmayey, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, Issimo iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan shacabka Puntland kuwaas oo uga dan lahaa in la dhameeyo khilaafyadii ka dhashey doorashooyinkii ka dhacey maamulkaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM