Maxay Puntland uga duwan tahay maamulada kale ee Soomaaliya?

Image

GAROWE, Puntland – Iyaddoo dalka uu ku jiro mar-xalad kala guur ah, qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur oo ka dhashay doorashada soo aadan, Puntland ayaa caddeysay waxyaabaha ay uga duwan tahay maamulada kale.

Inkasta oo shirkii DhuusamareebIII uu kasoo baxay nooc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn, xudunta is-mari-waaga taagan wuxuu salka ku hayaa qaabka lagu galayo coddeynta iyo in ay noqoto mid aanan dib u dhacin.

Talaabo muujineysa in riyadii qof iyo cod ay boor isku qaris ahayd, Farmaajo ayaa shirkii ay Puntland iyo Jubaland qaadaceen ee Dhuusamareeb 3 daaqada uga saarey oor-kac-sigii ahaa in wadanka aadayo doorasho toos ah.

Heshiis u muuqda in Villa Soomaaliya lagu soo qoray ayaa laga soo saarey kulankaas qabyadda ahaa, waxaana uu xeerinayaa Doorasho Degaan oo ay kursigii dooranayaan 301, iyo in guddiga doorashada uu maamulayo.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa si wadajir ah u diidey heshiiskaas, waxayna sheegeen in uu ku kooban yahay Madaxda waqtiga ka dhacayo ee federaalka, Galmudug, Koonfurt Galbeed iyo HirShabelle.

Maadaama mar-xalado xasaasi tahay loona baahan yahay talaabooyin dheeriya, madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la kulmay golahiisa wasiiradda, madaxa Ururada Siyaasada iyo Bulshada Rayidka.

Kulamadaas waxaa qeyb ka ahaa Wax-garadka iyo Aqoon-yahanka Puntland. Dhamaantooda waxay daaranaayeen is-xog-wareysi. Deni wuxuu dhinacyadda siiyey warbixin ku saabsan shirarkii u dambeeyay ee doorashada.

Sidoo kale, hogaanka Ururada Siyaasadda, Bulshada Rayidka, Aqoonyahanada iyo Wax-garadka ayaa madaxweynaha u gudbiyey talooyin.

"Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka Soomaaliya iyo maamulka ugu da’da ee waddanka ayaa mudada ay jirto waxay kusoo caano-maashay in hogaanka uu saamileyda uga xog-waramayo arrimaha masiiriga ah.

Inta badan maamulada kale ee dalka ka dhisan ayaa go'aanadooda waxay yihiin kuwa ku kooban koox gaar ah, waxaana arrintaas ay keeneysaa in ay go'aanada ay gaarayaan qaarkood ku saleeyaan danahooda shaqsiga ah.

Shirkii DhuusamareebIII ayaa u muuqda mid si biyo kama dhibcaan ah dibada u soo saarey farqiga hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood la fahansan yahay in danta dadkooda ka dooreen tan shaqsiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM