Maxay salka ku haysaa booqashada Madaxweynaha Puntland ee Degmada Carmo?

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku joogey gobolka Barri maalmihii lasoo dhaafey ayaa maanta gaarey  Degmada Carmo halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen boqolaal dadweyne ah kuwasoo isugu soo baxey jidadka magaladaas.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa salka ku haysa wadahadal uu la galayo beesha Cali Saleebaan oo khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyey iyadoo magaalada Carmo uu ku sugan yahay sidoo kale Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri Cabdisamad Galan kaasoo mudooyinkii dambe ciidamo maleeshiyaad ah ku haystey degaano ka tirsan gobolka Barri.

Wadahadalka dhexmari doona Madaxweyne Gaas iyo beesha Cali Saleebaan ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu lafaguri doono cabashooyinka beeshaan ka muujineyso awood qaybsiga gobolka Barri iyo guud ahaan Puntland halka Dhinaca kale diirada lagu saari doono sidii loo qarameyn lahaa Ciidamada maleeshiyaadka ee uu hogaamiyo gudoomiyaha gobolka Barri.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in kulamadaan inta ay socdaan sameeyo balanqaadyo xilal siyaasdeed uu siinayo beeshaan halka suurtagal tahay in magaalada Carmo uu ka dhagax dhigo mashaariic dhismayaal Dowladu ku yeelato.

Kulankaan oo in muddo ah loo balansanaa balse aan suurtagalin ayaa waxaa la rumeysan yahay in lasoo dadajiyey madaama culeyso siyaasdeed Madaxweyne Gaas  ka haystaan dhinacyo badan sida dagaalka ka socda gobolka Mudug iyo weerarada kadiska ah sida kuwa kooxaha argagixisada ah ku qabsamayaan magaalooyinka ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale laga filayaa in beesha Cali Saleebaan waydiisto in Ciidamada Galan ka qayb galaan dagaalada ka socda magaalada Galkacayo kuwasoo u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa Booqdey Mashruuca wadada isku xireysa Tuulada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo taasoo lacagteeda baxsheen shacabka Puntland iyagoo kharashkaan qaarkiis laga qaadey aradada iskuulada.

Gaas ayaa la filayaa in magaalada Carmo ku sugnaado maalinta Jimcaha iyadoo Sabtida laga sugayo inuu furo kafahdiga 38aad ee Barlamanka Puntland kaasoo dib u dhac ku yimid xiligii bilaami lahaa oo aheyd 25 October,2016.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM