Maxay salka ku haysaa booqashada Madaxweynaha Puntland ee Degmada Carmo?

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku joogey gobolka Barri maalmihii lasoo dhaafey ayaa maanta gaarey  Degmada Carmo halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen boqolaal dadweyne ah kuwasoo isugu soo baxey jidadka magaladaas.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa salka ku haysa wadahadal uu la galayo beesha Cali Saleebaan oo khilaaf siyaasadeed ka dhexeeyey iyadoo magaalada Carmo uu ku sugan yahay sidoo kale Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri Cabdisamad Galan kaasoo mudooyinkii dambe ciidamo maleeshiyaad ah ku haystey degaano ka tirsan gobolka Barri.

Wadahadalka dhexmari doona Madaxweyne Gaas iyo beesha Cali Saleebaan ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu lafaguri doono cabashooyinka beeshaan ka muujineyso awood qaybsiga gobolka Barri iyo guud ahaan Puntland halka Dhinaca kale diirada lagu saari doono sidii loo qarameyn lahaa Ciidamada maleeshiyaadka ee uu hogaamiyo gudoomiyaha gobolka Barri.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in kulamadaan inta ay socdaan sameeyo balanqaadyo xilal siyaasdeed uu siinayo beeshaan halka suurtagal tahay in magaalada Carmo uu ka dhagax dhigo mashaariic dhismayaal Dowladu ku yeelato.

Kulankaan oo in muddo ah loo balansanaa balse aan suurtagalin ayaa waxaa la rumeysan yahay in lasoo dadajiyey madaama culeyso siyaasdeed Madaxweyne Gaas  ka haystaan dhinacyo badan sida dagaalka ka socda gobolka Mudug iyo weerarada kadiska ah sida kuwa kooxaha argagixisada ah ku qabsamayaan magaalooyinka ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale laga filayaa in beesha Cali Saleebaan waydiisto in Ciidamada Galan ka qayb galaan dagaalada ka socda magaalada Galkacayo kuwasoo u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa Booqdey Mashruuca wadada isku xireysa Tuulada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo taasoo lacagteeda baxsheen shacabka Puntland iyagoo kharashkaan qaarkiis laga qaadey aradada iskuulada.

Gaas ayaa la filayaa in magaalada Carmo ku sugnaado maalinta Jimcaha iyadoo Sabtida laga sugayo inuu furo kafahdiga 38aad ee Barlamanka Puntland kaasoo dib u dhac ku yimid xiligii bilaami lahaa oo aheyd 25 October,2016.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM