Maxay tahay sababta Deni wali uga aamusan yahay guusha SSC-Khaatumo?

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlada Puntland ee wakhtigiisa Dastuuriga ay bilooyinka uga harsan yihiin, Siciid Cabdulaahi Deni ayaan wali ka hadlin guusha maamulka SSC-Khaatumo ay gobalka Sool uga saareen ciidamadi Somalliland ee duqeymaha ka geysan jiray Laascaanood.

Deni oo horey isaga oo ka khudbeynaya Garoonka kubada cagta ee Cawaale ee magaalada Galkacyo sheegay in Puntland ay si cad u difaacayso SSC-Khaatumo ayaan war laga hayn guusha kadib.

Garowe Online ayaa la xiriirtay khubarada kamid ah arimaha Soomaaliya iyada oo dadku ay ku kala qaybsameen aamuska Deni:

Cilmi baarayaasha aan la hadalnay ayaa u batay in Deni uusan awalba raali ka ahayn kacdoonka Buluugan ee SSC-Khaatumo ka curtay isla markaana uu doonayay in uu arinta gobalka Sool ka dhigo mid kor u laalaln tan iyo inta uu go'aan ka gaarayo damiciisa muddo kororsi isla markaana uu arintaasi u adeegsado xildhibaanada gobalka Sool ee golaha wakiilada Puntland.

Qeybta labaad ayaa meesha soo geliyay in Deni oo xiriir dhaw la leh Imaaraatka carabta isla markaana haatan ku sugan dalkaasi ay ka hor istaagtay in uu arintaasi ka hadlo dowlada Imaaraatka Carabta maadaama oo maalgelin dhaqaale oo ka badan 400 milyan oo dollar ay geliyeen dekeda Berbera sida ay shaacisay DP world.

Xafiiska Deni ayaa horey arinta gobalka Sool uga dhigtay olole si ay ugu riixaan mucaaradkiisa diidan muddo kororsiga in aysan raali ka ahayn kacdoonka Buluugan ee SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM