Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan C/llaahi Deni ayaa sheegay in Puntland aysan ka qeybgali doonin Shirka uu Xasan Sheekh iclaamiyay Ciidul Fitriga ee ka dhacay Muqdisho, 1-da iyo 2da bisha May, kaasoo ku yimid qabashadiisa cadaadiska beesha caalamka.

Deni ayaa xusay in sabaha Puntland uga baxday Shirka Wadatashiga Qaran December 2024 sababo dhowr ah oo ay kamid yahay ku-xad-gudubka dastuurka oo cuntubyo katirsan Xasan Sheekh bedelay, iyadoo aan heshiis laga gaarin wax-ka-bedelka.

Maadaama la jebiyay dastuurka, oo ah heshiis bulsho oo isku hayay shacabka Soomaaliyeed, wuxuu Deni tilmaamay in Puntland aysan u socon shirka Muqdisho, isagoo ugu baaqey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka laabto arrimaha keenay fashilka shirkii ugu dambeeyay.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay u taagan tahay marwalba isku keenida shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, isagoo carabka ku dhuftay in wali u taagan tahay qabashada wadaxaajood looga hadlayo masiirka Soomaaliya, oo hadda mugdi ku jira.

Jubaland ayaa la filayaa inaysan ka qeybgalin shirka Muqdisho, waxaana maqnaashaha labadan maamul ka dhigaysaa wadahadallada kuwa aan loo dhamayn, oo natiijadiisa kasoo baxdana adkaan doonto dhaqangelintooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isagoo lagu amray inuu qabto shir wayne, ay ka qeybgalayaan dhamaan saamileyda siyaasadda, ururada bulshadda, mucaaradka iyo Maamulada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM