Maxkamad u yeertay 8 mudane oo xasaanada laga qaadey

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Sarre ee Dowladda Puntland ayaa Talaadada maanta ah soo saartey warqad ay ugu yeereyso sideed mudane oo katirsanaa Golaha Wakiiladda maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, xeer-beegtadda ayaa dhageysan doonta dacwad u dhaxeysa Garyaqaanka guud ee dowladda iyo sideeda mudane.

"Dhageysiga dacwaddan waxaa loo muddeeyay 10/12/2020; 9-ka subaxnimo, waxaana lagu dhageysanaya Xarunta Maxkamadda Sarre ee Garowe," ayaa lagu yiri qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dhinacyadda waxaa la farayaa in ay waqtiga dhowraan. Maxkamadana ay ku hor-yimaadaan waqtiga loo qabtay".
Sharci-dejiyeyaasha ay Maxkamadda u yeertay ayaa magacyadooda waxay kala yihiin;

1. Xil. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed
2. Xil. Saleebaan Faarax Ciise
3. Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)
4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore)
5. Xil. Muuse Siciid Xassan
6. Xil. Maxamuud Maxamed Barre
7. Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud
8. Xil. Maxamuud Axmed Caalin

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee dowladda Puntland ayaa sideeda Xildhibaan wuxuu ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen Dastuurka dowlada Puntland iyoXeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Fadhi uu yeeshay baarlamaanka Puntland waxaa xasaanadda looga qaadey mudaneyaasha oo maalin kahor talaabadaas is-hor-taag ku sameeyay fadhi uu Golaha kula xisaabtami lahaa Wasiirka Qorsheynta.

"Ugu dambeyntiina, 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana diidey 3 Mudane, halka uu ka aamusay 1 Mudane," ayaa lagu yiri qoraal 2-dii December, 2020 kasoo baxay Golaha Wakiiladda dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM