Maxkamadda ciidamada Nugaal oo saddex eedaysane xukuntay

Image

February 19, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Nugaal, Mudug iyo Cayn ayaa maanta xukuntey saddex nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana ku eedeysnaa inay dad ku laayeen magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Eedaysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cawil Cali Faarax, Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf iyo Cabdifataax Cabdullaahi Yuusuf waxaa lagu soo eedeeyey inay dileen afar nin oo lagu kala magacabi jirey Nabadoon Aadan Faarax Dheere, Cabdi Maxamed Aadan, Cali Faarax iyo Liibaan Cabdduulaahi.

Saddexda nin waxaa loo kala xukumey sidan:

  1. Cawil Cali Faarax, dil toogasho ah.
  2. Cabdifataax Cabdullaahi Yuusuf, dil toogasho ah.
  3. Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf, xabsi daa'im.

Dhammaan saddexda eedaysane waxay maxkamaddu fursad u siisey muddo soddon beri ah, taasoo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka lagu ridey.

Waar markii saddexaad muddo labo asbuuc gudahood ah ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xukunno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal loo soo qabtay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo inay falal ammaanka liddi ku ah ka geysteen gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM