Maxkamadda ciidamada Nugaal oo saddex eedaysane xukuntay

Image

February 19, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Nugaal, Mudug iyo Cayn ayaa maanta xukuntey saddex nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana ku eedeysnaa inay dad ku laayeen magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Eedaysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cawil Cali Faarax, Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf iyo Cabdifataax Cabdullaahi Yuusuf waxaa lagu soo eedeeyey inay dileen afar nin oo lagu kala magacabi jirey Nabadoon Aadan Faarax Dheere, Cabdi Maxamed Aadan, Cali Faarax iyo Liibaan Cabdduulaahi.

Saddexda nin waxaa loo kala xukumey sidan:

  1. Cawil Cali Faarax, dil toogasho ah.
  2. Cabdifataax Cabdullaahi Yuusuf, dil toogasho ah.
  3. Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf, xabsi daa'im.

Dhammaan saddexda eedaysane waxay maxkamaddu fursad u siisey muddo soddon beri ah, taasoo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka lagu ridey.

Waar markii saddexaad muddo labo asbuuc gudahood ah ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xukunno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal loo soo qabtay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo inay falal ammaanka liddi ku ah ka geysteen gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM