Maxkamada Ciidamada Puntland oo Dil ku Xakuntey Ganacsade Qaraxyo loo Wadey

Image

BOSSASO, Puntland- Maxkamada darajada ciidamada Qalabka sida ee 5 gobol Puntland ka tirsan ayaa maalintii shaley 6/7/2017 waxaa la horkeeney 8 eedeysane kuwasoo ka kala tirsanaa kooxaha Al shabaab iyo Daacish.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidmada Puntland Cawil Axmad Faarax oo ku dhawaaqey go'aanka Maxkamada ayaa sheegey in 2 kamid ah eedeysanayaasha lagu xakumey dil halka Sadex kale Xabsi Daa'in loo direy. 

Cawil Axmad Faarax ayaa dhinaca kale ku dhawaaqey in Maxkamada sii-daysay Sadex Maxbuus kadib markii lagu waayey dambiyadii lagu soo eedeeyey.

Ganacsadaha dilka lagu xakumey ayaa Ciidmada amniga magalaada Boosaso qabteen 30/05/2017 kadib marki gaari lagu qabtey Kontroolka Boosaso sheegey in loo wado waxyaalaha Qarxa 

Gaarigaan oo sidoo kale sidey Qudaar ayaa darawelkii iyo shaqalahii kale ee la socdey waxay ciidamada amniga u sheegeen in qaraxyadaan loo wadey ninkaan ganacsadaha ah kasoo markii taleefan lagula hadley sheegtey la'haanshaha qalabkaan kadib-na la qabtey isagoo ku sugaya Masjid ku yaal suuqa Qudaarta magalada Bosaso. 

Bishii June 30, 2017 Maxkamada ciidamada Puntland waxay dil ku fulisay 7 eedeysane kuwasoo 5 kamid ah lagu qabtey iyagoo qaraxyo galinaya magalaada Bossaso halka labada kale dilal ka gaysteen xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM