Maxkamada Ciidamada Puntland oo Dil ku Xakuntey Ganacsade Qaraxyo loo Wadey

Image

BOSSASO, Puntland- Maxkamada darajada ciidamada Qalabka sida ee 5 gobol Puntland ka tirsan ayaa maalintii shaley 6/7/2017 waxaa la horkeeney 8 eedeysane kuwasoo ka kala tirsanaa kooxaha Al shabaab iyo Daacish.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidmada Puntland Cawil Axmad Faarax oo ku dhawaaqey go'aanka Maxkamada ayaa sheegey in 2 kamid ah eedeysanayaasha lagu xakumey dil halka Sadex kale Xabsi Daa'in loo direy. 

Cawil Axmad Faarax ayaa dhinaca kale ku dhawaaqey in Maxkamada sii-daysay Sadex Maxbuus kadib markii lagu waayey dambiyadii lagu soo eedeeyey.

Ganacsadaha dilka lagu xakumey ayaa Ciidmada amniga magalaada Boosaso qabteen 30/05/2017 kadib marki gaari lagu qabtey Kontroolka Boosaso sheegey in loo wado waxyaalaha Qarxa 

Gaarigaan oo sidoo kale sidey Qudaar ayaa darawelkii iyo shaqalahii kale ee la socdey waxay ciidamada amniga u sheegeen in qaraxyadaan loo wadey ninkaan ganacsadaha ah kasoo markii taleefan lagula hadley sheegtey la'haanshaha qalabkaan kadib-na la qabtey isagoo ku sugaya Masjid ku yaal suuqa Qudaarta magalada Bosaso. 

Bishii June 30, 2017 Maxkamada ciidamada Puntland waxay dil ku fulisay 7 eedeysane kuwasoo 5 kamid ah lagu qabtey iyagoo qaraxyo galinaya magalaada Bossaso halka labada kale dilal ka gaysteen xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM