Maxkamadda ciidamada PL oo xubno Al-shabab ah dil ku xukuntey

Image

February 15, 2015 (GO)- Siddeed qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab qaybna ka qaateen falal ammaanka lid ku ah oo laga geystey Puntland ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan. 

Eedaysaneyaasha oo dhammaantood rag ah waxaa lagu ridey xukuno kala duwan oo isugu jirey dil toogasho ah, xabsi daa'im iyo xarig mudadiisu tahay inta u dhexeysa 10-15 sano.

Eedaysaneyaasha dilka lagu xukumey ayaa kala ah:

  1. Maxamed Cabdi Axmed Olol, ina Tiriig Maxamed, 23jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
  2. Xaajow Shiikh Nuur Cumar, ina Maleeka Shaandhey, 21 jir ah, ku dhashay Mareerey.
  3. Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale Cali (Rabiile), ina Madiina Cabdulaahi, 20 jir ah.
  4. Xasan Xuseen Cabdi, ina Farxiyo Xasan, 23 jir ah.

Eedaysaneyaasha xabsi daa'imka lagu xukumey:

  1. Aadan Maxamed Yuusuf, ina Sahro Maxamed,  23 jir ah.
  2. Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.

Labada eedeysane oo kale oo sida xeer ilaalintu cadeysey Al-shabaab mar dhow ku biirey islamarkaana wax fal-dambiyeed ah ka qayb qaadan, waxaa midkood lagu xukumey toban sano oo xarig ah halka midka kalena lagu xukumey shan iyo toban sano oo xarig ah.

  1. Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
  2. Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.

Eedaysaneyaasha maanta la xukumey ayaa rafcaan ka qaatey xukun November 17, 2014 maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ku riddey.

Waa markii ugu horreysey sanadkan 2015 ee ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xukun ku rido dad la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM