Maxkamadda ciidamada PL oo xukuntey eedaysaneyaal Al-shabab ah

Image

February 18, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta xukuntey todoba nin oo ku eedaysan kamid ahaanshaha ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan oo xukunka ku dhawaaqey ayaa sheegay in shan kamid ah eedaysaneyaasha lagu xukumey midkiiba labo sano oo xarig ah halka labada kale dib xoriyaddooda loogu soo celiyey, kadib markii wax dembi ah lagu waayey.

Sababta xukunka raggan dhallinyarada ah loo khafiifiyey mar uu ka hadlayey wuxuu guddoomiyuhu sheegay inay qirteen kamid ahaanshahooda Al-shabab isagoo xusay in raggan la qabtey xilli ay kusii jeedeen buuraleyda Golis iyagoo aan wax dagaal ah ka qayb qaadan, sidaas darteedna maxkamaddu xukunkooda khafiifisey.

Eedaysaneyaasha xarigga lagu xukumey waxay magacyadoodu kala yihiin:

1.Aadan Cali Cabdi, ina Xabiibo Xasan, 19jir ah, ku dhashay Afgooye.
2.Axmad Cabdi Xuseen, ina Aamino Cabdiqaadir, 24jir ah, ku dhashay Bay.
3.Cabdi Maxamad Xuseen, ina Hiibeey Cali, 19jir ah, ku dhashay Kurta.
4.Axmad Aadan Cabdi, ina Markabo Barre, 18jir ah, ku dhashay Bay.
5.Cali Maxamad Nuur, ina Fiideey Maxamed, 17jir ah, ku dhashay Afgooye.

Labada eedaysane ee kale ee dib xoriyaddooda loogu soo celiyey ayaa kala ah:

Cali Nuur Cali Taakow, ina Xaliimo Xasan, 19jir ah, ku dhashay Waajid.
Cabdi Nuunow Cabdi, ina Yareey Cismaan, 31jir ah Buurhakaba.

 
Asbuucii hore ayey ahayd markii sidan oo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xukunno kala duwan ugu riddey siddeed qof oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Afar eedaysaneyaashaas kamid ah waxaa lagu xukumey dil toogasho ah halka labo kalena xabsi daa'im lagu ridey.

GAROWE ONLNIE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM