Maxkamadda gobolka Nugal oo xukun riday [Dhagayso]

Image

09 January, 2016(GO)-Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugal ayaa maanta xukun ku riday eedaysane loo haystay dambi la xiriira lacag faalso ah oo lagu qabtay kantarolka Galbeed ee magalada Garowe.

Abshir Maxamed Xirsi ayaa maxkamaddu ku riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay lix bilood oo xariga ah iyo adduun lacageed oo dhan $2.400, waxayna amartay in lagubo lacagtaas.

Maxkamadda ayaa gaanshaanka ku dhufatay dalab xeer ilaalinta gobolka Nugal kayimi kaaso ahaa in lala wareego gaariga lagusoo qabtay lacagtaas, waxaynta taas badalkeed tilmaamtay in gaariga lagu wareejiyo ehelka Abshir Maxamed maadama uu xiranyahay mulkiilaha.

Ninka maxkamaddu xukuntay ayaa laamaha amniga gacanta ku dhigeen 04 bishan isaga iyo gaari Market 2 noociisu yahay, wuxuuna kayimi waqtigaas magalada Galkacyo isagoo waday lacag faalso ah oo cadadkeedu dhammaa 55.400.000 shilling Somali.

Lacagta ayaa xeer ilaalinta gobolka Nugal sheegeen in lagu sanceeyay Koonfurta Somalia.

07 January, 2016 ayaa maxkamdda la horkeenay waxaana eedayn kadib uu sheegay inuu bari yahay lacagtan balse uu soo qaaday kiraalena ka ahaa, isagoo goobta ka caddeeyay cidda u waday iyo halka uu ka keenay.

Dood kadib ayaa loo ballamay maanta oo sabti ah 09 January, waxaana lagu riday xukunkaasi waloow uu ka qaatay racfaan.

Arrimaha uu ku dooday waxaa kamid ahaa inuusan kala aqoon lacagtan loo soo dhiibay iyo midda dhawaan dowladda Puntland ku daabacday magalada Bosaso, wuxuuna xusay inuusan dambiga intaa ciqaabtiisu gaarsiisantahay $15 oo kiro ah u galiyeen nafsadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM