Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwad dib u dhigtey

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadda sare ee Puntland ayaa saaka oo khamiis ah u fariistay dhagaysiga kiiskii 8 Xildhibaan ay dhowaan xasanada kala noqdeen golaha wakiilada Puntland.

Dacwadda ayaa waxaa dhinac ka ahaa Gar-yaqaanka Guud ee Dawladda Puntland iyo qareenadda ay qabsadeen Xildhibanadii ay xasanada ka xayuubiyeen Baarlamaanku Dabayaaqadii todobaadkii tagay.

Maxkamadda Sare ayaa ogolaatay codsi ay soo jeediyeen Qareenada oo ahaa in la siiyo fursad ay dacwadooda kuso dhamaystirtaan.

Maxkamada ayaa mar kale mudaysay kiiska waxaana dib loo dhagaysan doona Maalinka Sabtida oo ay taarikhdu tahay 12  December 2020.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM