Maydad lasoo dhigay Xeebta Dur-duri, gobolka Sanaag

Image

BARAN, Puntland- Wararka laga helayo dadka deegaanka Dur-duri ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in  labo ruux oo mayd ah xalay abaaro saqdiidhexe 2:30Am lasoo dhigay xeebta magaalada.

Dadkan ayaa la sheegay in maydkooda lagu keenay xeebta Saxiimad katimid dhinaca Bad-weynta.

Saxiimadda ayaa dib u laabatay tallaabadan kadib iyadoo aan la aqoon goobta laga keenay iyo cidda mas’uulka ka ahayd arrintan.

Goob jooge ku sugan deegaanka Dur-duri ayaa xusay in maydka ay xabado ka muuqdaan.

Dadka deegaanka ayaa aaminsan in arrintan ay ka dambeeyaan ajaanibta ku sugan badda waloow aysan u hayn caddayn rasmi ah.

Labada nin ee maydkooda la keenay Xeebta durduri ayaa la qiray inay kasoo kala jeedaan Gobollada Sanaag iyo Mudug.

Majirto  wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM