MD Xasan Sheekh oo ka soo qeyb gali doono Caleema Saarka Madaxweyne Deni

Image
Wasiirka ayaa xaqiijiyay amniga magaalada Garowe iyo sida ay diyaarka ugu tahay marti gelinta munaasabadan

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay qaban qaabada xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay ka qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota maamulada dalka ka jira.

Wasiir Dirir ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu casuumay ka qeyb galka munaasabada, isagoo xaqiijiyay inuu aqbalay casuumaada, waxaana la filayaa inuu soo gaaro magaalada Garowe ka hor 25-ka bishan.

Waxaa sidoo kale lagu casuumay munaasabada madaxda Dowlad-Goboleedyada, Xildhibaano, Wasiiro, madax hore, iyo siyaasiyiin sida uu sheegay Wasiirka.

“Wafdiga maanta soo gaaray Garoowe, waxaan rajeyneynaa in ay ku astareexi doonaan magaalada, ka hor inta aan la qaban munaasabada, waxaan rajeynayaa in dhammaan dhinacyada lagu casuumay ay yimaadaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiir Dirir ayaa xaqiijiyay amniga magaalada Garowe iyo sida ay diyaarka ugu tahay marti gelinta munaasabadan, oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala socota maamulada dalka iyo daafaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM