Midowga Afrika oo ka hadlay dilkii gudoomiyihii Mudug ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay geerida gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.

Francisco Madeira oo Arbacada maanta ah soo saarey qoraal ayaa xusay in uu marxuum Axmed Muuse Nuur uu laf-dhabar u ahaa in dadka Mudug ay ka badbaadaan Covid-19, xasiloonida iyo dedaalada dib-u-dhiska.

"Anigoo ku hadlaya magaca AMISOM iyo keyga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo dowladda Puntland oo uu ka baxay qof cabqari ahaa," ayuu yiri. Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "EBBE u siiyo naxariistiisa".

Saddex maalmood kahor ayay ahayd markii Axmed Muuse Nuur uu ku geeriyooday qarax is-miidaamin oo Al-Shabaab ay kula eegatay afaafka hore ee xarunta gobolka waqoyga magaaladda Gaalkacyo.

Shan qof kale oo uu ku jiro walaalkiisa ayaa kamid noqdey dadka ku dhintay weerarkaas oo kusoo hagaagay iyaddoo laamaha amaanka ay horey digniino la xiriira shirqool dil ugu gudbiyeen marxuumka.

Dowladda Puntland oo durba baaritaano ku bilowday falkaas ayaa wacad ku martay in ay "u aargudi doonto marxuumka" waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in ay soo qabato gacan ku dhiigleyaasha.

Bishii May ee sanadkii 2019-kii ayaa loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug. Tan iyo xilligaas, wuxuu marxuumka ku howlanaa xaqiijinta nabad-gelyadda, isagoo tirro saddex jeer ah ka badbaadey weeraro loo maleegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM