Midowga Afrika oo ka hadlay dilkii gudoomiyihii Mudug ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay geerida gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.

Francisco Madeira oo Arbacada maanta ah soo saarey qoraal ayaa xusay in uu marxuum Axmed Muuse Nuur uu laf-dhabar u ahaa in dadka Mudug ay ka badbaadaan Covid-19, xasiloonida iyo dedaalada dib-u-dhiska.

"Anigoo ku hadlaya magaca AMISOM iyo keyga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo dowladda Puntland oo uu ka baxay qof cabqari ahaa," ayuu yiri. Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "EBBE u siiyo naxariistiisa".

Saddex maalmood kahor ayay ahayd markii Axmed Muuse Nuur uu ku geeriyooday qarax is-miidaamin oo Al-Shabaab ay kula eegatay afaafka hore ee xarunta gobolka waqoyga magaaladda Gaalkacyo.

Shan qof kale oo uu ku jiro walaalkiisa ayaa kamid noqdey dadka ku dhintay weerarkaas oo kusoo hagaagay iyaddoo laamaha amaanka ay horey digniino la xiriira shirqool dil ugu gudbiyeen marxuumka.

Dowladda Puntland oo durba baaritaano ku bilowday falkaas ayaa wacad ku martay in ay "u aargudi doonto marxuumka" waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in ay soo qabato gacan ku dhiigleyaasha.

Bishii May ee sanadkii 2019-kii ayaa loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug. Tan iyo xilligaas, wuxuu marxuumka ku howlanaa xaqiijinta nabad-gelyadda, isagoo tirro saddex jeer ah ka badbaadey weeraro loo maleegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM