Midowga Yurub oo baaraysa musuqmaasuqa wadada Garowe Galkacayo, cambaareysay weerarka Cumar Dheere

Image

GAROWE, Puntland- Waraaxafadeed kasoo baxay xafiiska midowga Yurub ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa waxaa cambaareyn loogu jeediyey weerarkii loo gaystey dhowaan wariye Cumar Dheere kadib markii uu wax ka qorey musuqmaasuq hareeyey qandaras lagu bixnayo mashruuc dib loogu dhisayo wadada isku xirta magaalooyinka Garowe Galkacayo.

Midowga Yurub ayaa sheegey in arinkaan oo saxaafada xorta ah horey u baahisay ay tahay talaabo aad u xun iyadoo ninkaan wariyaha lagu handado islamarkaana lagu garaaco qoraalka uu ka sameeyey musuqmaasuqa hareeyey qaabka loo bixnayo qandaraskaan.

Qoraalkaan oo ku taarikhysan 8 Dec, 2016 ayaa midowga Yurub waxaa uu sheegey in welwel weyn ka qabaan sida loo maamuley bixinta qandaraaska wadada isku xirta Garowe Galkacayo iyadoo baaris ku sameyn dionaan islamarkaana talaabada ku aadan ka qaadi doonaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa dhowaan baahiyey wareysi uu la sameeyey wariye Cumar Dheere kaasoo uu ku sheegey in weerar ay u gaysteen rag ganacsato ah kuwasoo iska leh shirkado tartan ugu jira mashruuca lagu dhisayo wadada u dhexeysa qaar ka tirsan jidka isku xira magaalooyinka Garowe Galkacyo.

Warsaxafadeedkaan ayaa ku soo beegmaya xili ay jiraan musuqmaasuq hareeyey qaabka loo maamuley qandaraaska lagu dhisayo qayb ka tirsan wadada isku xirta magaalooyinka Garowe Galkacayo kaasoo la sheegey in ay ku lug leeyihiin shirkadaha dhismaha, hay'ada jidadka Puntland, hay'ada qandaraas biixnta iyo xafiiska Madaxweynaha Puntland. 

Midowga Yurub ayaa bixineysa mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta  Garowe Galkacyo. 

Halkaan ka akhri warsaxafadeedka kasoo baxay wadamada midowga Yurub 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM