Midowga Yurub oo baaraysa musuqmaasuqa wadada Garowe Galkacayo, cambaareysay weerarka Cumar Dheere

Image

GAROWE, Puntland- Waraaxafadeed kasoo baxay xafiiska midowga Yurub ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa waxaa cambaareyn loogu jeediyey weerarkii loo gaystey dhowaan wariye Cumar Dheere kadib markii uu wax ka qorey musuqmaasuq hareeyey qandaras lagu bixnayo mashruuc dib loogu dhisayo wadada isku xirta magaalooyinka Garowe Galkacayo.

Midowga Yurub ayaa sheegey in arinkaan oo saxaafada xorta ah horey u baahisay ay tahay talaabo aad u xun iyadoo ninkaan wariyaha lagu handado islamarkaana lagu garaaco qoraalka uu ka sameeyey musuqmaasuqa hareeyey qaabka loo bixnayo qandaraskaan.

Qoraalkaan oo ku taarikhysan 8 Dec, 2016 ayaa midowga Yurub waxaa uu sheegey in welwel weyn ka qabaan sida loo maamuley bixinta qandaraaska wadada isku xirta Garowe Galkacayo iyadoo baaris ku sameyn dionaan islamarkaana talaabada ku aadan ka qaadi doonaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa dhowaan baahiyey wareysi uu la sameeyey wariye Cumar Dheere kaasoo uu ku sheegey in weerar ay u gaysteen rag ganacsato ah kuwasoo iska leh shirkado tartan ugu jira mashruuca lagu dhisayo wadada u dhexeysa qaar ka tirsan jidka isku xira magaalooyinka Garowe Galkacyo.

Warsaxafadeedkaan ayaa ku soo beegmaya xili ay jiraan musuqmaasuq hareeyey qaabka loo maamuley qandaraaska lagu dhisayo qayb ka tirsan wadada isku xirta magaalooyinka Garowe Galkacayo kaasoo la sheegey in ay ku lug leeyihiin shirkadaha dhismaha, hay'ada jidadka Puntland, hay'ada qandaraas biixnta iyo xafiiska Madaxweynaha Puntland. 

Midowga Yurub ayaa bixineysa mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta  Garowe Galkacyo. 

Halkaan ka akhri warsaxafadeedka kasoo baxay wadamada midowga Yurub 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM