Midowga Yurub oo bogaadiyay qorshooyinka Isbedel ee uu wado Deni

Image

MUQDISHO, Somalia - Midowga Yurub ayaa aad u bogaadiyay qorshooyinka Isbedel ee uu wado Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore lagu caleema-saarey magaaladda Garowe.

"Midowaga Yurub waxuu u hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland, una rajeynayaa inuu ku guuleysto xilka cusub ee loo doortay. Midowga Yurub oo saaxiibka soo jireen ah u ah Puntland waxaa ka go'an inuu la shaqeeyo Deni," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Yurub.

Dalalka Midowga Yurub waxa kaloo ay sheegeen in ajandooyinka Madaxwene Deni ee ku qotoma dhismaha dowlad leh tiirar adag, oo lagula dagaalayamo musuq-maasuqa, argagaxisadda sidoo kalena shaqooyinka lagu abuurayo ay fursad u tahay da'yarta.

Isagoo ka hadlayay xafladiisa caleema saarka, Deni, oo 53 sano jir, kaasi oo bartay dhaqaalaha, wuxuu balanqaaday inuu joojin doono hay’addaha dowlada, kob-cicinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo argagixisada.

Madaxwayne Deni ayaa si lamid ah wuxuu carabka ku adkeeay inuu fursado shaqo u abuuri doono dhalinyarada, isaga oo ku nuux-nuux saday inuu maamulkiisa uu da'yarta ka qaybgelin doono siyaasada.

Midowga Yurub ayaa ka fuliya degaanada Puntland mashaariicyo ubadan dhisida wadooyin ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaasi oo maamulkii Cabdiwali Gaas qaarkood uu musuq-maasuqay, taasoo keentay inay joogsadaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM