​Miino lagu weeraray saldhig ku yaal Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Koox hubaysan ayaa caawa fiidkii weerar loo adeegsaday miinada Gacanta laga tuuro ku qaaday saldhig lagu magacaabo Miir oo ku yaalla Galbeedka magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Puntland.

Weerarka oo ay soo qaadeen mallayshiyaad aan haybtooda la aqoonsan ayaa wararku sheegayaan inuusan dhalin wax khasaaro ah, waxaana qaraxa Bam gacmbeedka  la tuuray xigay rasaas muddo kooban socotay.

Saraakiil katirsan ciidamada Saldhigaas ku sugnaa ayaa GO u sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo dhinacooda soo gaaray, iyagoo falkaas ku eedeeyay dhinaca Galmudug.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Galmudug.

Arrintan ayaa timid iyadoo waan waan nabadeed ay socota magaalada Galkacyo kaasoo lagu hishiisiinayo dhinacyada is haya ee Puntland iyo Galmudug.

Waxaa socda dadaalo lagu dhaqan galinayo xabad joojin dhexmarta labada dhinac inta laga gaarayo hishiis rasmi ah.

Madaxda labada maamul ayaa ku sugan degmada Galkacyo, waxaana jira kulamo dhexmaray tan iyo maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay.

Labadii bilood ee u dambaysay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa hoy u noqtay dagaallo u dhaxeeya ciidamada labada maamulka ee degmadaas ka taliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM