​Miino lagu weeraray saldhig ku yaal Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Koox hubaysan ayaa caawa fiidkii weerar loo adeegsaday miinada Gacanta laga tuuro ku qaaday saldhig lagu magacaabo Miir oo ku yaalla Galbeedka magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Puntland.

Weerarka oo ay soo qaadeen mallayshiyaad aan haybtooda la aqoonsan ayaa wararku sheegayaan inuusan dhalin wax khasaaro ah, waxaana qaraxa Bam gacmbeedka  la tuuray xigay rasaas muddo kooban socotay.

Saraakiil katirsan ciidamada Saldhigaas ku sugnaa ayaa GO u sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo dhinacooda soo gaaray, iyagoo falkaas ku eedeeyay dhinaca Galmudug.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Galmudug.

Arrintan ayaa timid iyadoo waan waan nabadeed ay socota magaalada Galkacyo kaasoo lagu hishiisiinayo dhinacyada is haya ee Puntland iyo Galmudug.

Waxaa socda dadaalo lagu dhaqan galinayo xabad joojin dhexmarta labada dhinac inta laga gaarayo hishiis rasmi ah.

Madaxda labada maamul ayaa ku sugan degmada Galkacyo, waxaana jira kulamo dhexmaray tan iyo maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay.

Labadii bilood ee u dambaysay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa hoy u noqtay dagaallo u dhaxeeya ciidamada labada maamulka ee degmadaas ka taliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM